DAWO: “DAKHLIGAA AAD QABANAYSAAN WAA KA QOFKA BUKA XABADA KINIINA LOO SIINAYO, IYO DADKA DHIBAATEYSAN WIXII WAX LOOGU.” WASIIRKA MAALIYADA SOMALILAND

Berbera, Somaliland – Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa kormeerkii ugu horeeyey ku tagtay Magaalada Berbera waxay ku soo kormeertay Kastamka iyo Cashuuraha Beriga Magaalada Berbera.
Waxaanay kulan la qaadatay Maamulaha Kastamka Berbera Maxamed Cabdi Gurxan, Maamulaha Cashuuraha Beriga Magaalada Berbera Shuceyb Muuse Alaale iyo Maayirka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin), sidoo kale waxay Wasiiradu booqatay Dugsigii la odhan Jirey Ex Bursade.
Maamulaha Kastamka Berbera Maxamed Cabdi Gurxan ayaa waxa uu war-bixin ka siiyay sida ay u shaqeeyaan, iyo inta qeybood ee uu Kastamku ka kooban yahay, Sidoo kale Maamulaha Cashuuraha Beriga Berbera Shuceyb Muuse Allaale ayaa isna warbixin siiyay Wasiirka.
Kadib, Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo halkaasi ka hadashay ayaa waxay tidhi “Dakhligaa aad qabanaysaan waa ka qofka buka xabada kiniina loo siinayo, iyo dadka dhibaateysan wixii wax loogu qaban lahaa, markaa inaynu ilaalino oo sida ugu wanaagsan u kordhino waa mid loo baahan yahay”.
 XIGASHO: HAYAANNEWS.COM
HALKAN KA DAWO:
https://youtu.be/–KX5zY8xro

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker