SULDAANKA GUUD EE BEELAHA SOMALILAND IYO SULDAANKA GUUD EE BEELAHA ARAB OO KU BOGAADIYAY XILKA LOO MAGACAABAY WARSAME FAARAX SOOMAALI

“Waxa lagaaga baahan-yahay inaad dulqaad la timaado, inaad dadka isku wado, oo aad u dhabar adeygto hawsha laguu igmaday iyo waxkasta oo caqabad ah oo ka horyimaadana.”
Hargeysa, Somaliland – Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Suldaanka guud ee Beelaha ARAB Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa waxay ku bogaadiyeen Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka HAWD Warsame Faarax Soomaali xilkaasi loo lagacaabay, isla markaana waxay ILAAHAY uga baryeen inuu ku asturo xilkaas.
Sidaa waxay labada Suldaan ku sheegeen warsaxafadeed ay sida wada-jira ugu saxeexan yihiin oo nuqul ka mid ah ay soo gaadhsiiyeen Xafiiska Shabakada Wararka ee Hayaannews ee Magaalada Hargeysa.
Waxaanu u dhignaa sidan:
“Waxaan ku hambalyaynaynaa Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka HAWD Warsame Faarax Soomaali xilka uu madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u magacaabay dhawaan, in ALLAHA awooda leh ku asturo una fudeydiyo hawsha culus ee loo igmaday.
Sidiisaba xilku waa culeys waxaana lagaaga baahan yahay inaad dulqaad la timaado, inaad dadka isku wado, oo aad u dhabar adeygto hawsha laguu igmaday iyo waxkasta oo caqabad ah oo ka horyimaadana.
Warsame Faarax Soomaali waa Nin ku haboon xilkaasi kana soo bixi karaya hawshaa culus ee loo igmaday, isaga oo u leh karti, xirfad, iyo weliba aqoon buuxda.”
XIGASHO: HAYAANNEWS.COM

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker