Taliye Fadal Dedaalkiisa Iyo Kartidiisa Way Ogyihiin Shacabkiisu! W/Q. Hamse A. Abdilahi

Ugu horeyn waxaan u  mahad-celinayaa ALLAHA awooda badan ee Nimcooyinka badan inagu manaystay, intaas ka dib waxaan mahad iyo amaan weyn Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan sida muuqata ee uu hadh iyo habeenba heeganka ugu yahay Adkeynta iyo Sugidda Amniga dalka iyo dadka.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan waxa uu ka mid yahay ragga ugu waayo aragnimada dheer dhinaca hawlaha Amaanka iyo shaqada ciidanka Booliska, waxaana uu yahay oo xaqiiq ah Taliyihii ugu wax-qabadka badnaa dhinaca Tayeynta iyo Horu-marinta ciidanka Booliska iyo shaqadooda la xidhiidha sugida Amaanka Gobollada, Degmooyinka iyo Tuulooyinka dalka.
Taliye Fadal waa shakhsi degan, dhawrsoon, qalbi fiican, naxariis badan, marka uu qabanayo hawsha ciidanka mar kasta cida ku shaqada leh ee Saraakiishiisa ayuu la tashadaa, waxaanu xidhiidh joogto ah la leeyahay shacabkiisa oo yar iyo weynba uu ku qaabilo niyad furan wixii talo iyo tilmaam ay u soo jeediyaana uu ka qaato.
Ugu dambeyntii Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan waxaa cad inuu Aroor, Galab iyo Habeenba uu heegan u yahay ilaalinta amaanka dalkiisa, waana mid guud ahaanba shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan ay og yihiin Dedaalkiisa iyo Kartidiisa .
Hamse M. Abdilahi

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker