War-Saxaafadeed: Guddomiyaha Dhalinyaradda Subeer Awal Galbeed Oo Raali Gelin Ka Bixiyee Hadalkii Cabdiasis Maxamed Samaale

War Saxaafadeed

Jimcaale Cabdilahi Ciise – Guddoomiyahay dhalinyarada Awal- Galbeed.
Ujeedo: Raali Galin
09 March 2015
Anigoo ah guddoomiyaha Dhallinyarada Beesha Subeer Awal Galbeed waxaan halkan kaga raali galinayaa Bulshada Reer Somaliland hadalkii ka soo yeedhay Wasiirkii hore ee Maaliyada Mudane Cabdiasis Maxamed Samaale – ee uu qoyska madaxtooyada Somaliland ugu maahmaahay qisadii Nabi Yusuf (CS) Qisadaas oo uu ka soo qaatay Kitaabkeena Sharfan – Mr Samaale oo lagu yaqaan kuna caan ah ku danaysiga iyo sixun u tafsiirka iyo sixun u adeegsiga aayadaha sharfan iyo Axaadiista Nabigeena (SCW).
Haddii aanu nahay dhalinyarada beesha Subeer Awal ee Bari iyo Galbeedba waxaanu  sida ugu degdeg badan u soo fadhiiisin doonaa Mr Samaale si uu nooga dawbixiyo gafkaa ula kaca ah ee uu kula kacay qoyska madaxtooyada.
Allaa Mahad Leh.
Mr Jimcaale Cabdilahi Ciise
Guddoomiyaha Dhalinyarada Subeer awal-Galbeed.

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker