DAWO: Akaademiyadda Nabadda iyo Horumarka Oo Darasaada ka Samaysay Cilmi Badhiis Lagu Dejinayo Siyaasadda Dhulka

Akaademiyadda Nabadda iyo Horumarka Oo Darasaada ka Samaysay Cilmi Badhiis Lagu

IMG_2465
Hargeysa, Somaliland – Akaademiga Nabadda iyo Horumarka – Somaliland oo in muddo ah ka shaqeynaysay arrimaha dhulka, ayaa waxa ay cilmi-baadhis ka sameeysey gobollada iyo degmooyinka Somaliland. Natijadaa ka soo baxday daraasadda ayaa lagu ogaaday in anay jirin wax siyaasad guud oo qaran o hagi lahayd oo lagu mamuli lahaa arrimaha dhulka (National Land Management Policy), dib-u-eegis lagu sameeyo Xeerarka lagu maamulo Dhulka (Revising Land-related Law and regulations) iyo fulinta Shuruucda oo iyaduna loo baahan yahay in la xoojiyo, isla markaana kor loo qaado (Implementation and Enforcement Laws).
Iyada oo laga duulayo fulinta Digreetadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo saaray ee ku taariikhaynayd JSL/M/WM/222-2689/092014, ayaa shir arrimahaa lagaga hadlayo waxa isugu yimi Wasaaradaha ay khusayso oo ay ugu horreyso; Wasaarada Hawlaha Guud, Wasaarada Deegaan, Wasaarada Xoolaha, Wasaaraada Qorshaynta Qaranka, Wasaarada Beeraha, Wasaarada Macdanta iyo Tamar, Wasaarada Biyaha, Wasaarada Arrimaha Gudaha, Guddi-hoosaadka Khayraadka Dabiciiga ee Golaha Wakiillada iyo UN-HABITATE, ayaa shalay lagu qabtay xarunta guud Akaademiga Nabadda iyo Horumarka – Somaliland ee uu ku leeyahay magaalada Hargeysa.
Ugu horreyn, waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarka – Somaliland Md. Maxamed Faarax Xirsi oo sharraxaad ka bixiyey waxyaabihii ka soo baxay cilmi-baadhista, isla markaana loogu gudbi lahaa sidii si rasmi ah wax looga qaban lahaa arrimaha ay khusayso Dhulka oo ay ugu horreyso in la sameeyo siyaasad guud oo qaran oo hagta maamulka Dhulka (National Land Management Policy), dib-u-eegis lagu sameeyo Xeerarka lagu maamulo Dhulka (Revising Land-related Laws and regulations) iyo fulinta Shuruucda oo iyaduna loo baahan yahay in la xoojiyo, isla markaana kor loo qaado (Implementation and  Enforcement Laws).

Sidoo kale, waxa kulankaa iyaguna ka hadlay Wasiirka Deegaanka, Wasiirka Qorsheynta, Wasiirka cusub ee Beeraha, Wasiirka Macdan iyo Tamarta, Wasiir-kuxigeenka Hawlaha Guud, Agaasimaha Biyaha, Wasiirka Xoolaha, Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha Khayraadka Dabiciiga ee Golaha Wakiillada iyo UN-HABITATE oo dhammaantood soo bandhigay ahmiyadda uu leeyahay shirkani, isla markaasina isla garteen arimaha hoos ku xusan.

Iyadoo laga duulayo fulinta dikraeetada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee lambarkeedu yahay JSL/M/WM/222-2689/092014, in dhammaan ay Wasaaradaha ay khuseyso inay u guntadaan fulinta Digreetada Madaxweynaha sidii xal waara looga gaadhi lahaa mashaakilaadka dhulka.
Waxa kale oo la isla qaatay in Wasiirada Wasaaradaha kor ku xusani oo ay hormood ka tahay Wasaaradda Hawlaha Guud inay Wasiiradaasi si joogta uga shaqeeyaan arrimaha dhulka, isla markaana laga shaqeysiiyo Guddida Farsamo ee ka kala socda Wasaaradaha, Akaademiga Nabadda iyo Horumarku uu u noqdo Xoghayn (Secretariat Role).
Waxa kale oo la isla gartay shir ku saabsan arrimaha Dhulka uu qabanqaabinayey Akaademiga Nabadda iyo Horumarku oo lagu qabanayo Burco laga wada qeybqaato sidii xal-waara looga gaadhi lahaa mushkiladaha Dhulka.
Ugu dambayn, waxa lagu dhiirrigeliyay dhammaan Hay’adaha waddaniga ah iyo kuwa caalamiga ah ee hawshan oo kale isu-xil-qaamay inay ka qayb-ka-qaataan wax-ku-biirinta maamulka arrimaha dhulka.
HALKAN KA DAWO: 

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker