“Waa Alle mahadii haddii maanta loo wada joogo hadalkii siilaanyo ee aniga maalin la ii kordhin maayo oo meesha ka baxay.” W/Q. Mujaahid Cali xaraaro

Aniga iyo rag kaleba mudo dheer ayaanu lahayn si kale oo xilka looga qaado mooyaane Axmed siilaanyo doorasho qaban maayo, waxa loo baahan yahay in da yarta si fiican loo fahan siiyo Axmed siilaanyo qofka uu yahay waxa muuqata inaanay dad badani ka war qabin, sidii looga qaaday xilka xiligii uu ahaa jeer maanka ururkii SNM, waxa kaloo iyaduna dad badan ka muuqata marka la leeyahay Axmed siilaanyo waa jeer maankii uugu muddada deeraa ururkii SNM, inay u fahmeen erey ka turjumaya geesinimo lagu tilmaamayo.
 
Haddaba maaha ereygu sidaa, uumana dhigna isla markaana waxa jira dad iyagu u ujeedo kale ka lahaa oo sidaa u dhigey, markaas, akhriste ereygaasi wuxuu tilmaamayaa in Axmed siilaanyo laga fur furi kari waayey hogaanka xisbiga isagoo mar walba oo xiligiisu dhamaanayo ka dhex abuuri jirey golihii dhexe ee ururkii SNM, khilaaf, buuq iyo iska hor imaado, taasoo ku keeni jirtey xisbiga dhibaato aad u fool xun sidaas awgeed ayaa loogu kordhin mudada deer la sheego ugu dambayntiina shirkii ku qabsoomay magaalada Bali gubadle, oo bil Ramadaana lagu jiro ayaa waxa is hor taagey lix boqol oo odey oo soomanaa isla markaana ka codsadayn inuu xilka iska wareejiyo waxaanay u sheegeen inay dadku aamin sanyihiin inaanu dalku xoroobeyn inta u joogo ka dibna wuxuu uugu jawaabey waan idinka aqbalayaa, idinkuna iga aqbala ninka aan wato odayaashina way ka aqbaleen, shirkiina waxa lagu doortay All ha u naxariistee Cabdiraxman Axmed Cali oo sida la sheegey Axmed siilaanyo ku xidhay shuruurado aad u cuslaa, intaas ka dibna dadku kala ayaan roone muddo sanad gudihiiya ayaa dalkii lagu xoreeyey, shuruudihina waxay noqdeen kuwii dhaliyey dagaaladii sokeeye.
 
Hadaba waxaan uuga socdaa Axmed siilaanyo inaanu ahayn nin wanaag ku tegeya oo sidii madax weynihii ka horeeyey mudane daahir rayaale kaahin si gobonimo leh ku amba baxaya markaa waxaan xumaan mooyee wanaag ha ka sugina iskana diyaar garooba.
Qalinkii: Mujaahid Cali Xaraaro

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker